Hoppa till huvudmenyn Hoppa till innehåll

Talooyin muhiim ah!


  • Waa inaad boos ka haysato kiyuuga.  Kaas waxaad helaysaa markaa iska diiwaan galiso boggayagga internedka.
  • Waxaad u baahan tahay inaad leedahay lambarka shakhsiga ee Swiidhishka si aad boggayaga iskaga diiwaan galiso.
  • Dhamaan guryahayaga banaan waxaanu ku soo qoreynaa cinwaankan hoostiisa: Raadi guryaha banaan (Sök ledigt).  Haddii aad danaynayso waxaad u baahan tahay inaad soo gasho Mina sidor si aad u dhiibto dalabkaaga rabitaanka.
  • Bogga waxaad ka arki kartaa inta dhibcood ee loo baahan yahay si aad uga mid noqoto shanta kiyuuga ugu dhibcaha badan.

  • Waxaanu u soo bandhigaynaa shanta ugu dhibcaha badan inay guriga eegaan. Qofka ugu dhibcaha badan ee haa yidhaahda ayaa helaaya guriga iyadoo lagu soo wargalinaayo sms.
  • Marka aad guriga eegtey ayaad adigaa aadaaya bogga Mina sidor haa ama maya miduun odhanaysaa. Haddii aad maya tidhaahdo wax ka badan shan jeer muddo lix bilood gudahood ah ayaa lagaa xidhayaa inaad guri cusub raadsato muddo lix bilood ah.

  • Waxaanu sameynaa baadhitaan wax deynsiga ka hor inta aanad saxeexin heshiiska si loo eego in aanad wax deyn ah Kronofogden ugaga jirto. Haddii aad leedahay deyn ayaa lagaa xidhi doonaa inaad dhiibto dalabkaaga rabitaanka ee guri. Waa inaad tusto shahaado aad ka soo qaadatay Kronofogden oo tuseysa inaan deyn lagugu laheyn ka hor inta aanad dhiibin dalabkaaga rabitaanka oo cusub.
  • Waxaad naga helaysaa sms marka aad soo wacayso si aad waxkhti heshiiska aad ugu saxeexdid u qabsatid.

  • Markaad heshiiska saxeexaysid waxaad u baahan tahay inaad soo qaadatid cadeyn tuseysa inaad leedahay dakhli si joogto ah kuu soo galaaya. Haddii aanad laheyn wax dakhli ah laakiin aad haysato maal aad keysatey oo ku filan kirada lix bilood iyo lacag aad ku noolaato.
  • Soo kaxeyso turjumaan marka aynu ka wada hadlayno waxyaalaha muhiimka ah ee aad u baahan tahay inaad ogaato markaad anaga guryahyaga degan tahay. Tusaale ahaan, inaad haysato caymiska guriga, waxaad sameynayso haddii wax jabaan iwm.